Ma Runbaa Mudane C/Raxmaan (Beydaani), Ayaa Loo Magacaabay Jagada Madaxweyne Ku-Xigeenka

 

Hargeysa (Haatuf): Toddobaadkan, waxaa dareenka dadka reer Somaliland intooda badani uu ku jiheysnaa qofka uu Madaxweyne Daahir Rayaale u magacaabi doono jagada Ku-xigeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Arrintani, waxay keentay guux iyo dareen bulshada dhexdeeda ah. Warar laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegay in Mudane C/raxmaan Baydaani loo magacaabay Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka. Warkan oo laga soo xigtay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Somaliland, waxaa sii xaqiijiyay xog-wareysiyo ay bixiyeen dad sheegay in ay la kulmeen Beydaani laftiisa, kuwaas oo ka soo weriyay inuu qirtay in loo magacaabay Jagadaas.

 

Intii ay arrintani socotay, waxaa muuqatay intabadan ruug-caddaaga Golayaasha Baarlamaanka Somaliland oo ku hawlannaa, sidii ay talo waxtar leh arrintan ugu dersan lahaayeen go’ankeeda kama dambeysta ah, hase yeeshee shalay xubno badan oo ka mid ah Golayaasha Baarlamaanku, waxay muujiyeen dareen ah in aanay filaynin magacaabista Mudane C/raxmaan Beydaani, dareemadan oo kale waxa iyana laga dheehanayay dadweynaha dhexdiisa.

 

Warar laga soo xigtay Masuuliyiin u dhuun daloolla xaaladdan, waxay sheegeen in xulashada Beydaani ee soo baxday lagu tixgeliyay oo qudha xubin-nimada Xisbiga UDUB.

Inkastoo magacaabista C/raxmaan Xuseen Baydaani isa soo tarayso, haddana weli si rasmi ah looguma dhawaaqin, hase yeeshee marka laysu geeyo warar dhinacyo kala duwan laga soo xigtay, waxaa la rumaynayaa in Mudane C/raxmaan u magacaaban yahay jagadaas, lana filayo inta aan la gaadhin 18 May in lagu dhawaaqi doono magacaabistiisa.

 

Siday tibaaxeen dareemada ilaa hadda soo baxay ee laysla dhexmarayaa, waxaa loo badinayaa in xulashada Masuulkan aanu Madaxweynuhu ka samaynin la-tashi badan oo uu kaga baaraan-degayo cidda uu magacaabayo, isla markaana la aaminsan yahay inuu kala tashaday oo keli ah xubno tiro yar oo Golihiisa ka mid ah.

 

Mudane C/raxmaan Baydaani, wuxuu hore mar u ahaan jiray Guddoomiye-xigeenkii Golihii hore ee Wakiiladda ee uu Guddoomiyaha ka ahaan jiray Axmed Cabdi Xaabsade, kaas oo burburkiisii loo aaneeyo inuu qayb ku lahaa. Markaa kadib, wuxuu Baydaani Shirweynihii 1997-kii dabadeed u tartamay jagada Guddoomiye-xigeenka Wakiiladda, taas oo uu waayay kadib markii cod aqlabiyad ah uu goluhu ku doortay Guddoomiye-xigeenka, Mudane C/qaadir Jirde.

Dhinaca kale, magacaabistan Mr. Baydaani ee la rumaynayo, balse aanu weli maxsuulkeeda dhabta ahi soo bixin ka hor, waxaasi weyn loo hadal-hayay Siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Axmed Siilaanyo, C/qaadir Jirde, Maxamed X. Cilmi (Dable) iyo Axmed Yuusuf Ducaale, kuwaas oo dhammaantoodba hadal-hayntoodu hoos u dhacday labadii maalmood ee u dambeeyay.

 

Siday tibaaxeen warar laysla dhexmarayay, Axmed Siilaanyo waxaa la sheegay in loo arkay nin aan ka tirsanayn Xisbiga UDUB, sidaa daraadeedna waxaa la sheegay in ay xooggag iskaashaday u arkeen khatar ka riixi karta kuraasta ay hayaan iyo awoodahaba, haddii uu soo galo xayn-daabka Golaha, taasina waxay sababtay in la kiciyo dabaylo xoog leh oo lagaga hor tegayo, taasaana la sheegay in ay durkisay rajadii magacaabistiisa ee markii hore soo baxday.

Si kastaba wax ah u jireene, moosinkan magacaabista Madaxweyne Ku-xigeenku, wuxuu noqday mawduuca keli ah ee maalmahanba jaah-wareeriyay dhegta dadka, isla markaana ka dhex abuuray doodo aan weli gunaanad lahayd oo socda, kuwaas oo ay dadku ku faaqidayaan arrintan.

 

Madaxweyne-Nimada Rayaale Saamayn Sidee Ah Bay Ku Yeelatay Boorama

Warbixin – Maxamed Cumar

 

Xaaladda Siyaasadeed ee Gobolka Awdal, waxay ahayd geeridii ka hor mid aad looga dareemay cadho xoog leh oo ay bulshadu u qabtay dhinaca Xukuumadda, taas oo ka dhalatay sida muuqata dhawr arrimood oo ay ugu waaweyn yihiin:

·          Balanqaadyo ay Xukuumaddu hore ugu qaaday oo lagaga baxay,

·          Maamul-xumo,

·          Xidhnaanta Jidka Djabuuti iyo Gobolka xidhiidhiya,

·          Iyo Cadho loo qabo dadka golayaasha Qaranka kaga jira Gobolka Awdal.

Cadhada caynkaas ah oo mararka qaarkood sababtay bannaan-baxyo, waxaad moodaysay in ay hoos u soo degaysay tan iyo markii la kordhiyay wakhtiga sannadka ah ee guurtidu go’aamisay, taana waxaa sababay dadka oo aan doonayn dagaal iyo qalalaase kale oo Siyaasadeed toona.

 

Haddaba, Geeridii lama filaanka ahayd ee ku timi Madaxweynihii hore markii la maqlay, ayay haddana dadka reer Boorama galeen jawi walaac ahaa, iyagoo ka werwersanaa waxa dhici doona, mar haddii Madaxweynihii geeriyooday. Badi waxay dadku ka cabsi qabeen in xasilooni-darro dalka ka dhacdo. Nasiib-wanaag, taasi waxay meesha ka baxday markii si nabadgelyo ah looga gudbay marxaladaas, Daahir Rayaale Kaahin-na loo dhaariyay xilka Madaxweyne-nimo, taas oo lagu saleeyay distoorka. Tani waxay meesha ka saartay, fikrado aan wanaagsanayn oo dadka Gobolka u dhashay ay hore u qabeen. Fikradahaas oo ay ka mid tahay, in Somaliland Maamulkeeda u sareeyay ay iska leedahay beel keli ahi, beelaha kalena ay yihiin uun shaqaale. Fikradda keliya ee ay reer Boorama ka siman yihiin xilliganina, waxay tahay in Madaxweyne Daahir Rayaale ay u arkaan nin dulqaad leh oo u soo dhabar-adaygay eedo tiro badan oo mar walba kaga imanayay dhinaca Gobolka Awdal, gaar ahaan xubnaha Golayaasha kaga jira Gobolka oo xitaa wax kasta oo ka dhaca Gobolka isaga ku eedayn jiray.

 

Dhinaca Mucaaridka oo aan xubno ugu mitidsanaa wax ka weydiiyay xaaladda dalka Somaliland, kadib geeridii Madaxweyne Cigaal, waxay dhammaantooda ka sinnaayeen oo ay sheegeen in ay nasiib-wanaag tahay haddii aanay dalka iyo dadkaba soo waajihin qalalaase. Waxaanay u mahadceliyeen cid kasta oo ka talisay buuxinta jagadaas loo dhaariyay Daahir Rayaale.

 

Kooxo kale, ayaa iyaguna ku dooday: “Waxaan aaminsan nahay in arrintan ama isbedelkani soo dedejinayo Shir-qarameed, maadaama ururadii Siyaasaddu sii baaba’ayaan.” Siyaasiyiin kale oo u dhalatay Gobolkan, ayaa iyaguna sheegay in wakhtigani yahay mid muujiyay Midnimada reer Somaliland, laakiin inta Gobolkan iyo Djabuuti kala xidhan yahay aanay muuqan wax lagu farxo oo ka soo socda Xukuumaddan, maadaama dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan xadhiga jidkaasi burbur dhaqaale ku hayo Shacbiga Gobolka.

 

Dhinaca kale, dadweynaha ku nool magaalada ayaa waxay u arkaan in xubnaha Gobolkan Awdal u metela Golayaashu ay yihiin, kuwa aan marnaba laga filayn xidhiidh wanaagsan oo ay la samaystaan dadkii ay ka yimaadeen horumarkiisa, inta taasi jirtana aanu Madaxweyne Daahir Rayaale ka filayn Gobolkan hadalo lagu farxo, balse aanay doonayn in ay wakhtigan bilaabaan dhaqdhaqaaq Siyaasadeed oo lagu wiiqayo maamulkiisa inta uga hadhay.

 

4 Qof Oo Roobab Ku Dileen Gobolka Togdheer

Burco (Haatuf): Sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Togdheer, roobab dabaylo watay oo Arbacadii da’ay, ayaa sababay dhimashada 4 qof oo daad ku qaaday agagaarka tuulada Galoolay oo waqooyi ka xigta magaalada Burco.

 

Siduu sheegay Badhasaabku, dadkaasi waxay kala ahaayeen; Safiya Cali , waxa meydkeedii laga helay soonaha Galoolay, hooyadan geeriyootay waxay dhashay; Muna Cabdi Xasan oo meydkeedii laga helay soonaha Galooley oo 10 jir (Toban jir) ahayd iyo Guuleed Cabdi Xasan oo Lix jir ahaa oo meydkiisii laga helay tuulada Looya. Sidoo kale, Sahra Cismaan Ducaale oo 12 Jir ahayd, ayana laga helay meydkeedii tuulada Wisil. Marxuumadan iyo labada ciyaal ah ee la geeriyooday, waxay ahaayeen Ilma-abti oo guri bay wada joogeen, sida uu xaqiijiyay Badhasabku.

 

43 Kartoon Oo Khamri Ah Oo Lagu Gubay Burco

Goobtii Khamriga lagu qabtay waxa laga helay Nin meyd ah

 

Burco (Haatuf): Khamri gaadhaya 880 litir oo ku jiray 43 kartoon, ayaa shalay lagu gubay Burco. Sida uu ku soo waramay weriyahayaga Gobolka Togdheer, Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed, ayaa sheegay in hawl-galkan Boolisku qaaday lagu ogaaday goobtaa khamrigu yaalay, kadib markii ay dhexdooda iska dileen nin ka mid ah kuwa khamriga ka ganacsanayay. Wuxuu intaa ku daray in Boolisku ay meeshii ugu tageen nin meyd ah iyo 43-kartoon oo khamri ah. Badhasaab-xigeenka gobolkan Yaasiin, ayaa sheegay in khamrigaas magaalada la soo geliyay habeen hore, waxaana la soo qabtay 4 Nin oo ka mid ahaa kuwa joogay meesha khamriga loogu tagay. G/xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi; “Hal nin oo ka mid ah nimankaas, ayaa baxsaday welina Ciidanka Booliisku daba-galkiisii bay ku jiraan sidii loo soo qaban lahaa.”

 

Gubitaankii khamrigaas, waxa ka soo qayb-galay dhammaan Masuuliyinta Gobolka, sida; Badhasaabka, ku-xigeenkiisa, Maayarka Burco, Taliye-xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Gobolka iyo Xeer-ilaaliyaha Gobolka Togdheer.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Ku Dhaqanka Distoorku

Waa Tirtirista Talo-Maroorsiga

Xeer, Sharci, Distoor, iwm; dhammaan magacyadan aynu xusnay, waxay tilmaan u yihiin tuducyo qoraal iyo hadalba noqon kara oo si dhex ah ay dad ama ummad dano guud oo wada noolaasho wadaagtaa ay ugu heshiiyaan in ay ku saleeyan hab-dhaqankooda nololeed, iyo in loo raaco xallinta wixii dhexdooda ka dhaca.

Arrintani waxay tilmaamaysaa in la qoray xeerka, sharciga iyo distoorkaba xili aanay dhicin dhacdada ku xusan, sida loo xalinayo marka ay soo food-saarto ummadda ku heshiisay ee uu u yahay Distoorka ay ku dhaqmaan.

Tiirka Distoorka ee ay ummadi leedahay, wuxuu meesha ka saaraa tuhunka iyo shakiga ka yimaadda, fikirka kolba lagu xalinayo dhacdada la soo deristay ummadda aan lahayn Distoorka. Distoorku, wuxuu meesha ka saarayaa afkaartii kala duwanayd ee keeni lahayd khilaaf wax yeella danta guud ee ay ummadi leedahay.

Markaa inagoo maskaxda ku hayna qodobadaa, bal aynu u soo noqono xaaladda Somaliland. Waxaa hubaal ah in wax qabadkii koowaad ee Maamulka Somaliland uu yahay sameyntii iyo u coddeyntii distuurka Somaliland ee 31 May 2001. Tallaabo wal oo waxqabad, waxaan shaki ku jirin in ay dadku ka bixiyaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida ay arrintaasi u hirgalayso ama ay u fashilmayso, hase yeeshee u coddeyntii distoorka Somaliland, wuxuu ahaa mid lagu wada-qancay.

 

Waxa kale oo iyana xusid mudan, sida loogu dhaqmay distuurka marka la eego dhacdooyinkii soo food-saaray Somaliland ee uu Distuurku ahaa arrimaha loogu talo-galay inuu u noqdo halbeegga sharci ee dhamayska tiran ee sida aan shakiga lahayn looga daalacdo xalka arrintaa, markaa waa taas ta lagama maarmaanka ka dhigtay in la tixraaco guud ahaan, loogana sii gudbo bogga iyo qodobka sida tooska ah uga hadlaya arrintaa, siiba Sadarrada koobaya xalka dhacdadaa taagan.

Waa markhaati ma doon in distuurka Somaliland, adkeyntiisu ay xal u noqon doonto dhacdooyin badan oo hakad, halis iyo hirdan ku keeni lahaa Somaliland, ama uu haatanba wax badan xaliyay oo keeni kari lahaa muran iyo khilaaf ay milicsan karaan guud ahaan, Shisheeyaha aan jeclayn Midnimada Jiritaanka, Jaha qudha u wada-jeedka iyo isla jaan-qaadka reer Somaliland shicib iyo dawladba.

Gunaanadka iyo gebo-gebada Badheedhahani, wuxuu yahay adkeynta tiirka Distuurka Somaliland, waa tirtirista talo-maroorsiga shakhsiga ah.

 

Rajada Shacbiga Daallan Iyo Shirka Nayroobi

Xadiis M. Xadiis

 

Tan iyo markii kursiga laga tukhaan-tukhiyay Keligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre 1991-kii, Shacbi weynah dalkii Soomaaliyada Talyaaniga la odhan jiray, waxa ku habsaday jir colaadeed, juuc iyo abaar aan kala go’ lahayn, waxayna ka quusteen nabad iyo caano, gaar ahaan qofkasta oo ku noolaa Caasimaddii Muqdisho, waxaa soo food-saartay, rajo-go’, feker iyo werwer joogto ah. Dadka danyarta ah iyo kuwa ka soo jeedda beelaha laga tirada badan yahay-na, iyagu way ka sii xag-jireen, waxaana lagu misaali karaa caws ay ku dhex dirireen laba Maroodi. Waxa qiir-qiir gashay noloshoodii, kadib markii ay rasaasta hoobiyaha iyo hubka kale ee sanqadha weyni u noqday Masaariif, saddexda wakhti ay quutaan.

 

Dhawaaqa keliya ee dadkaas ay ku diirsadaan, kashoodana rajo-geliyaa wuxuu ahaa “Shir-dib-u-heshiisiineed,” kaas oo ay waddamada Soomaaliya la deriska ahi ay marar kala duwan oo dhawr ah isugu keeneen Madaxda kooxaha ku hirdama talada dalkaas burburku aafeeyay. Laakiin, waxa niyad-jabka iyo quustu dib u soo noolaataa, marka la arko natiijada Shir kasta oo noqoto bar kuma-taal.

 

Marka dib loo eego, guud ahaanba waxa xallinta Mushkiladda Soomaaliya loo qabtay 13 shir Dib-u-heshiisiineed, marka lagu daro kii Carta ee ugu dambeeyay. Balse, midna guushiisa iyo natiijadiisu ma dhaafin koolinta Madaxda kooxaha dagaal oo la seexiyo huteelo qaali ah, kharash badana ku baxo soo jillaabistooda iyo hadba dalka shirkaa marti-geliya oo waxoogaa dhaqaale ah kaga hela beesha Caalamka, iyadoo dalalka u ololeeya in shirka dib-u-heshiisiinta kooxaha dhulkooda lagu qabto ay danaynayaan kharashka ka soo gala hudheelada la seexiyo Soomaalida u martida ah, marka laga yimaado danaha diblomaasiyadeed iyo Siyaasadeed ee dalkaasi ka leeyahay Soomaaliya oo iyadu ugu horaysa. Tusaale ahaan, shirkii Qaahira ee Masar oo ahaa kii ugu rajada roonaa, shirkaas ka qayb-galayashii Soomaalida, waxa qof kasta maalintii la siin jiray lacag dhan $45 (Shan iyo afartan doollar) oo kaash ah, muddadii shirku socday. Markaa waad dareemi kartaa in aanu ciyaar ahayn, dhaqaalaha ku baxaya Shirkaasi.

 

Dhinaca kale, markasta oo shir dib-u-heshiisiineed lagu dhawaaqo, waxaa degdeg isu beddela xaaladda ammaanka iyo xasilloonida Muqdisho, waxaana kor u kaca heerka sicirka badeecadaha, dilka, afduubka, kufsiga, dhaca iyo dhammaan dulmiga. Taas oo ka dhalata is-muujinta kooxaha kala qoqobtay Muqdisho oo mid kastaaba awoodeeda beejiso, isla markaana ay ka faa’iideystaan dadka aanay heshiiska iyo dawladnimada dantu ugu jirin ee boolida ku haysta hantidi guud iyo awooddii Qaranka.

 

Shirkii Carta ee ugu dambeeyay oo dawladda Djabuuti, dunida Carabta iyo Qaramada Midoobeyba culayskii ugu badnaa isugu geeyeen, sidii looga soo saari lahaa wax quman oo lagu soo afjaro qalalaasaha Toban jirsaday ee Soomaaliya, ayaa dhalay hungadii ugu darnayd iyo luggooyadii ugu weynayd ee ku dhacda dadka tabaalaysan. Waayo, muddadii uu shirkaasi socday ee lixda bilood ahayd, inta ku nool caasimaddii hore ee Muqdisho, habeenkoo dhan waxay ku soo jeedi jireen daawashada Maaweeladii iyo luggooyadii, shaashadda TV-gii Carta ee loo bixiyay “Soomaaliyay maqal.” Maalin oo dhanna waxay wakhti iyo tamar badan ku lumin jireen doodda Masraxaas iyo muranka ku saabsan sida beeluhu u qaybsanayaan kuraasta iyo xilalka dawladda ka soo bixi doonta Carta.

 

Maxsuulkiise, wuxuu noqday in dadkii dawladnimada, Xukun Cadli ah iyo cid aayahooda ka talisa, muddad dheer u oomana loo soo waarido koox hor leh oo ka kooban 245 xaal-waa, hoggaamiyahooda iyo in le’eg oo mansab-raac ah oo aanay jirin wax ay ku wada-socdaan iyo laba heshiis ah. Durbadiiba, waxa soo if-baxay Calaamado muujinaya in aanay kuwani ahayn dawladdii muddada dheer laga naawilayay Carta. Waayo, lamay iman, ama waxay ka yimaadeen waxyaabihii laga sugayay oo ay ugu horreyso hanashada ammaanka Caasimadda iyo soo celinta kala-dambaynta iyo nidaamka oo aasaas u noqon lahaa riyada dawladnimo ee ay ka soo xambaarteen Djabuuti, beddelkeedana waxay xaabadda u sii badiyeen xasilooni-darradii, sicir-bararkii iyo dulmigi hore u sii degeshaday halkaas. Taasina, waxay keentay in shacabkii markii hore taageeray ay ka shallaayaan soo-jeedkii iyo sacabkii ay ku kharash-gareeyeen taageerada Shirkaas, arrintuna waxay noqotay “Geedyahaw ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin.”

 

Dadka in badani way sii saadaaliyeen, natijaddan hungada ah, si kasta oo loo buun-buuniyay shirka, intii taageersanaydna waxay dib ka garawsadeen in dadka meesha isugu tegay (Carta) ay ahaayeen ardaydii Siyaad Barre ee iyagu sababay burburka Qarankii Soomaaliya, isla markaana iyagu iba-furay, dilka dhaca iyo dulmiga baahay ee loo caal-la’yahay maanta.

Muqdisho sidii caaddadu ahayd, waxay sii wadatay dilkii, dhicii iyo fawdadii, waxaana mar kale cirka isku shareeray rajo-xumadii ay shacbigu ka qabeen in ay mar uun helaan dawlad cadaalad oo la wada leeyahay. Laakiin, weli ma damin durbaanka iyo bigilka nabadda iyo dib-u-heshiisintu, waxaana lagu baaqay Shirkii 14aad ee Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo hadda loo ballansan yahay in lagu qabto Nayroobi, wakhti beesha Caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Maraykanku ay il werwer leh ku eegayaan Soomaaliya oo ku jirta liiska dalalka Maraykanku ku suntay in ay gaboodsan karto argagixiso.

 

Waxayse su’aasha meesha taallaa ay tahay, Shirka Nayroobi loogu ballansan yahay Maxaa ka soo bixi doona? Muxuuse kaga duwanaan doonaa dhawr iyo tobankii shir ee ka horeeyay?

Su’aalahaasi, waa kuwo ay is-weydiinayaan Shacbiga Soomaaliya ee quusta ah. Laakiin, marka la barbar dhigo baaxadda mushkiladda Soomaaliya iyo waayo-aragnimada laga dhaxlayay fashilaadihii ku yimi wada-hadalladii hore, jawaabtu waxay u muuqataa in; “Shirka Nayroobi aanu waxba kaga duwanayn kuwii hore, natiijo weynina aanay ka soo bixi karin.”

Waxa weli sidoodii u taagan caqabadihii ay ku turun-turoodeen Shirarkii hore oo ay ka mid yihiin;

1.       Dadka la heshiisiinayo oo aan ka soo bixin shuruudihii aasaaska u ahaa nabad iyo heshiis la gaadho. Waayo, ragga la heshiisiinayo, qaar baa ku raaxaysanaya hanti ay lahaayeen kuwo iyaguna goobta fadhiya oo Soomaali ah, diryaarna uma aha kan wax dhacay inuu xaq siiyo kuwa kale ee uu hantidooda xoogga kaga haysto.

2.       Dadka Shirka lagu marti-qaaday (Hoggaamiya-kooxeedyada) oo aan ahayn, kuwo looga bartay tanaasulaad iyo in ay danta guud ee ummadda ka hormariyaan tooda gaarka ah, ama ay iyagu wax ku heshiin karaan.

3.       Kooxaha tirada badan iyo dadka sheeganaya in ay bulshada metelaan oo had iyo goor loo maaro waayo sharciyadooda.

Waxa intaasi dheer oo noqonaysa caqabad soo korodhay, sheegashada Kooxdii Carta lagu soo caleemo saaray oo isu aragto dawlad Qaran oo sharci ah, iskala han-weyn in ay horfadhiisato kooxo ay u aqoonsan tahay mucaarid.

 

Inta aan la gaadhinba caqabadahaas iyo mushaakilaadka gudaha ama maxalliga ah, waxa muuqata in aanu shirkan 14aad ka lug baxayn ama aanu ka gudbi karin, qaybta daaha-dabadiisa ee mushkiladda Soomaaliya oo ah loollanka Jilayaasha shisheeye iyo kuwa Gobolka, taas oo hadda hagoogta iska rogtey.

Arrintan qayb weyn ka ahayd ragaadka ugu go’ay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, waxa la isku dayay kalkan in meesha laga saaro, waxaanu ururka IGAD u igmaday saddexda dal ee Kenya, Itoobiya iyo Djabuuti in ay wada-jir u qaban-qaabiyaan Shirka Nayroobi, si loo baajiyo loollan iyo kala jiidasho. Laakiin, halkii daawo laga filayay, waxay noqotay tallaabadaasi mid dillaacisa eelkii guntanaa, waxaana si cad loo maqlay is-mari-waagga hannaanka shirka ee ka dhex alloosan dalalka IGAD igmatay, taas oo hadda ka hor heerkaa gaadhin.

Sidaas darteed, dadka qanaca iyo quusta miciinsaday ee reer Muqdisho, si sahlan uguma sacab-tumayaan durbaan dambe oo Siyaasadeed, ilaa ay ishoodu aragto wax ay ku qanacdo. Dadka qaar baa iyagu qaba, in rajada ugu dhowi tahay dawlad sida Afgaanistaan dusha laga keeno, rajadaas oo shaqayn karta uun marka dalalka Gobolku isku dhinac maraan.

 

Weerar 34 Qof Lagu Dilay Deegaanka Kaashmiir

 

Kaashmiir (W. Wararka): Ugu yaraan 34 qof, ayaa ku dhintay oo ay 22 ka mid ahi yihiin Askar ka tirsan Ciidamada Hindiya, kadib markii ay shalay koox hubaysani weerar ku qaaday Saldhig Milateri oo ay Ciidamada Hindiya ku leeyihiin Gobolka Kaashmiir, qaybta ay Hindiya xukunto.

 

Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee ay sannadkan qaadaan, Kooxaha reer Kaashmiir ee ku kacsan dawladda Hindiya, waxaana sheegtay in ay weerarkan ka dambeeyeen urur aan hore loo maqlin oo magaciisa ku sheegay Al-Mansuuriin, una dagaalama Madaxbannaanida Kaashmiir.

Dawladda Baakistaan oo ay Hindiya ku eedayso in ay taageerto ururada ka horjeedda, ayaa markiiba canbaaraysay weerarkan.

 

War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Baakistaan, waxa ay ku baaqday in baadhitaan dhakhso ah lagu sameeyo weerarkan iyo cidii ka danbaysay, kadibna cadaaladda la hor keeno.

Muddooyinkan u dambeeyayba, waxa xuduudda u dhexeysa labada dal ka taagnayd xaalad cakiran, iyada oo ay labada dawladood xuduudda soo tubeen Ciidamo tiro badan, kuwaas oo dhawr goorna isku dhacay. Dhacdadanina, waxa laga yaabaa in ay xaaladda sii xumayso.

 

Dagaalka Argagixisada Lagula Jiro Oo Saameeyay Xorriyadda Saxaafadda

 

Vienna (Reuters):  Machadka Caalamiga ah ee Saxaafadda, xaruntiisuna ay ku taalo Vienna, ayaa muujiyay werwerka laga qabo saamaynta ay xoriyatul qawlka dhinaca Saxaafadda ku yeelatay dagaalka uu Maraykanku kula jiro waxa loogu yeedho argagixisada, muddadii ka dambaysay weeraradii ka dhacay Maraykanka 11-kii September 2001.

 

Ururkan oo ay xubno ka yihiin Suxufiyiin iyo ururo dhinaca Saxaafadda ah oo ka tirsan 150 dawladood, una dhaqdhaqaaqa waxa ay sidaa ku sheegeen kadib markii uu u dhammaaday Shir-sannadeedkoodii oo la soo geba-gebeeyay. Waxaanay intaa ku dareen in intii muddadaa ka dambaysay ay dawlado badani qaadeen, tallaabooyin ay ku xakamaynayaan Xoriyatul Qawlka dhinaca Saxaafadda, gaar ahaan waxa ay farta ku fiiqeen dawladda Maraykanka.

 

Waxaa kale oo ay tilmaameen dhibaatooyinka iyo hagar-daamooyin loo geystay Suxufiyiin iyo weriyayaal gudanaya mihnadooda saxaafadeed, kuwaas oo ka hawl-galayay goobo ay dagaalo ka socdaan. Tiro-koob ay sameeyeena, waxa ay ku sheegeen in ilaa 55 Suxufi lagu dilay, iyaga oo gudanaya hawshooda halka ay xabsiyada ku galeen boqolaal Suxufiyiin ahi.

 

Jimmy Carter Iyo Booqashadiisa Kuuba

Havana (W. Wararka): Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter oo haatan booqasho ku joogga dalka Kuuba, ayaa ku dhawaaqay in aanay Kuuba wax shaqo ku lahayn, waxa uu Maraykanku ugu yeedho Argagixisada kadib, markii uu booqday Wershad Kiimikada samaysa oo uu Maraykanku ka shakisanaa in ay soo saarto hubka halista ah.

 

Madaxweynaha Kuuba, Fiidal Kaastaro oo muddo dheer uu Maraykanku ku hayay Cuna-qabatayn, ayaa booqashadan Carter uga faa’iidaystay inuu ku helo taageero Siyaasadeed, hadal uu jeediyayna waxa uu ku sheegay in aanay Kuuba, col la ahayn Shacbiga Maraykanka, balse ay colaadi ka dhaxayso dawladda Maraykanka.

 

Jimmy Carter oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykanka soo mara, booqashana ku taga Kuuba, waxa loo soo dhaweeyay si heer sare ah oo diiran.

Muddada uu booqashada ku joogay halkaasina, waxa uu kulano la yeeshay kooxaha iyo shakhsiyaadka Mucaaridka ku ah Fidel Kastaro, isaga oo ku baaqay in loo baahan yahay Dimuqraadiyad iyo furfurnaan ka dhaqan-gasha Kuuba.

 

 

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Xafladda Xuska 18 May Oo

Laga Dhigi Doono Daafaha Dunidoo Idil

Sida dhaqanka u ah bulshada reer Somaliland waxaa sannad kasta bisha May 18keeda looga dabaal degaa dunida dacaladeeda. Xuska 18 May waa maalin ku dheer ummadda reer Somaliland.

18 May 1991kii bay ahayd markii ummadda reer Somaliland dibu ula soo noqdeen qaranimadoodii luntay ee sibiqda farahooda uga mudhuxsantay lixdankii. Ummadda reer Somaliland oo muddo 30 sanadood ah kusoo noolayd dulmi, cadaadis, cabudhin, dil iyo dhac oo ay ku hayeen dalkii jiiroonkooda ee ay  sannadkii lixdankii ku midoobeen dawladdii la magaxbaxday Jamhuriyadda dimodraadiga ee Somaliya.  Waxaa ay muddo badan geed dheer iyo mid gaaban u fuleen sidii ay ula soo noqon lahaayeen madaxbanninooda. Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa bulshada reer Somaliland samaysteen sannadkii 1981kii ururkii dhaq dhaqaaqa waddaniga Somaliyee ee SNM si ay ula soo noqdaan xornidoodii luntay. Taasoo ay wakhti, naf iyo maalba u hureen inay lasoo noqdaan xornimadii dhicisawday 60kii .

 

Xafladaha maalinta 18 May ee ku dheer mujmataca reer Maandeeq waxaa lagu dhigaa dalka gudihiisa iyo dabadiisaba. Waxaana aad xiise gaara ah u leh sida dadka qurbaawiga ah ee degan dunida dacaladeeda uxusaan maalintaas iyada ah.

Waxaana xusuus mudan sida gaarka ah ee jaaliyadaha reer Somaliland ee Yurub ku nooli usoo abaabulaan xafladaas. Sannadkii  hore waxaa dalka Holland lagu qabtay xafladdii ugu waynayd ee ay qaban qaabiyaan dad Afrikaanka asalkoodu yahay ee degan Holland. Waxaana xafladaas  ka soo qayb galay dad tiradoodu ka badantahay kumaanaan kun oo isagu jira Somali ka kala timid  waddamo iyo degaanno kala duwan iyo dad  ajanabi ahba.

 

Waxaana sannadkan xafladaas oo kale laga dhigayaa magaalada London ee carriga ingriiska. Xafladdan oo lagu magacdaray sannadguurada 11-aad ee Somaliland waxaa soo qaban qaabiyey urur dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Nomad international iyagoo wada shaqaynaaya ururada kale ee reer Somaliland ee ka jira dalka ingriiska. Waxaana lagu qaban doonaa madasha the Forum ee cinwaankiisu yahay 9-17 highgate Road, Kentish Town London.

 Waxaa iyana xaflad loogu talogalay munaasadaban lagu qaban doonaa magaalada The Hague ee Dalka Holland. Madasha dalka Holland xafladda lagu qabanayaa waxay u dhawdahay suuqa loo yaqaan Open Markt oo aan ka fogayn maxdadda tareenka ee  Holland sport. Holland Sport waxaad ka qaadan kartaa tram 12 oo ku socda jihada Duindorp. Waxaanad kaga degaysaa Deltslaan oo ah shaaraca uu ku yaallo goobta xafladda lagu qabanayo. Cinwaanku meeshuna waa DELFSELAAN 12.

 

Waxaa iyana xaflad noocan ah qaban qaabinaaya Jaaliyadda Somaliland ee dalka Jarmalka. waxay ka dhici doontaa magaalada Dusseldorp.

Waxaa kale oo la filayaa in dalalka kale ee koofurta iyo waqooyiga Yurub ay iyana ka dhici doonaan xaflado noocan oo kale ah. Jaaliyaddaha Yurub waxay u isticmaalaan munaasabaddan kulan ay ku wadaagaan farxadda iyo dareenka  gaarka ah ee ay leedahay maalintaasi.

Waxaana sannadkan ay kusoo beegantay wakhti ay ummadda reer Somaliland ka tiiraanyeysanyiin geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii qaranka mudane Mohamed X. Ibrahim Cigaal "ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee". Inkastoo Jaaliyadaha Yurub iyo kuwa kale ee jooga caalamka kaleba ay usameeyeen xus gaara oo ay ugu duceeyeen kuna

 

sagootiyeen hoggaamiyahooda geeriyooday haddana waxaa badankoodu barnaamijkooda kusoo darsadeen tacsi iyo xus lagu sagootiyayo murxuumka.Gaar ahaana waxaa xafladda Holland lagu bilaabidoonaa duco iyo iyadoo laga sheekeeyo taariikhdii madaxweynaha geeriyooday( alla haw naxariistee) .

Waxaanan jeclahay inaan fursada uga tasciyadeeyo, qoyskiisa, eheladiisa, iyo dhammaan bulshada reer Somaliland  inuu samir iyo iimaan kasiiyo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland "alla haw naxariistee".

 

Dhinaca kalena waxaan u rajaynayaa bulshada reer Somaliland inay sannadka danbe munaasabadda 18 May ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo & farxad iyo caafimaad. "Aaamiiin"

Cabdi Cabdillaahi Xassan, Holland

 

 

Duqay Ka Digtay Soo Rarista Qaxooti 30-Kun oo Qoys Ah Oon Loo Diyaarin Meel Ay Degaan

Haddaan nahay duqayda degaanadaas ee qaxootiyada Somaliland ee aan weli ka soo guurin goobahaas, waxaanu saxaafadda u baahinaynaa in la soo rarayo dadka halkaa deggen muddo ayaamo gudahood ah, dadkaas oo tiradoogu gaadhayso 30,000 oo qoys, oo ah dadkii danyarta ahaa ee hadhaaga ka ahaa qaxootiyadii hore, oo aan dalka ku lahayn meel ay ka degaan oo ay buulasha yar-yar ka dhistaan. Sidaa daraadeed waxay arriintaasi u baahan tahay ka fiirsasho xoog leh oo u taala xukuumadda Somaliland oo aanu annaguna duqay ahaan ka codsanayno in dadkaasi loo dedaalo oo loo sii habeeyo meel ay xamasta dhigtaan, iyo sidii ay hay’adda ugala kaashasn lahaayeen wixii (Resetlement) ah ee adeega dadkaasi u baahan yahay.

Waxaanu rajaynaynaa in maamulku ka taxaddaro oo arrintaasi si deg-deg ah ay uga sii tabaabushaystaan.

Magacyada duqayda:

1.       Cali Xuseen Cashuur

2.       Jaamac Geele Nuur,

3.       Muuse Jirde Faarax,

4.        Yuusuf Faarax Xirsi (Gaash)

5.       Khadar Cabdi Iimaan

 

 

Talo Soo Jeedin

Waxan mudane madaxweyne saxaafadda madaxa-bannaan kuu soo marinayaa talooyinkan;

1.       Mudane madaxweyne sidaad adigu xog-ogaal ugu tahay amaba aad ka warqabto, golaha wasiirada ee iminka jiraa maaha qaar tayo leh oo hawshay qaranka u hayaan u fuliya si hagar la’aan ah, wa qaar u foogan danahooda gaarka ah, sidaa daraadeed madaxweyne waxaan kugula talinayaa in golaha wasiirada aad ka dhigto gole macquul ah oo tayo leh.

2.       Mudane madaxweyne, madaxweyne ku xigeenku waa in uu noqdaa nin karti leh, adigoo ku xisaabtamaya isu dheelitirka gobollada dalka bari iyo galbeed. Iyada oo gobollada bari ka madhnaa mansabyada noocan oo kale ah, waana inaad si fiican ugala tashataa labada shir-guddoon (Guurtida iyo Wakiilada).

3.       Mudane madaxweyne adigoo ku xisaabtamaya sidii dastuuriga ahayd ee laguugu doortay madaxweynenimada, waa inaadan ummadda aad mas’uulka ka tahay ee 80% ah dad nolosha la dhacdhacaaya, aanad ka door-bidin inta yar ee af-miishaarada ah ee madaxda dawladda ku maran.

4.       Mud. Madaxweyne, waa inaad ku dedaashaa sidii aad u kasban lahayd wax-garadka iyo garaadada gobollada Sool iyo Sanaag bari, maamulkana u gaadhsiin lahayd.

5.       Waa inaad ogaataa in mas’uuliyadda lagu saaray Ilaahay kaala xisaabtamayo, reer Somaliland-na aad tahay mid aan kala xigsan.

Maxamed Bede,

Burco – Somaliland.

 

Haddii SNM Ku Guulaysatay Xoraynta Dalka, Cigaalna Dejintii, Rayaale Ma Ku Guulaysan Billadda Saddexaad

·         Sidaynu wada ogsoonahay billadii koowaad ee siyaasadeed iyo halgan waxa ku guulaystay SNM, oo markii ay xoreeyeen dalka si sharaf leh u wareejiyay dawladnimadii ay u soo galeen diifta, daalka iyo gaajada, bur-burka, dhimashada iyo dhiiga oo aan marnaba dadku aanay filanayn inay dhib yaraan ku wareejiyaan.

·         Billadii labaad ee siyaasadeed waxa ku guulaystay Cigaal oo dalka oo baaxaa-degaya markuu xilka tirsaday isu dayay inuu nabad ka dhigo, wuuna ku guulaystay dhibaato waliba ha ka soo gaadhee. Waxaase is-weydiin leh tallaabada saddexaad.

·         Ma ku guulaysan karaa Rayaale oo maanta fursaddaa hayaa, mise ma isku dayi karaa inuu qaato magaca xiddigaha sida Cigaal? Hadduuse talaabadan qaado oo ah kaalin bannaan ma buuxin karaa? Dadka xukuumadda u shaqeeyaa ma yihiin dadkii caddaaladda ku noolaa?

Adeega noocana oo ah kii ummadda kala wadaayay, keebaynuse u qaadan karnaa labadan kooxood ee aynu kor ku xusnay (SNM iyo koodan kale)? Haddii uu isku dayo inuu xukuumaddiisa ku soo dabbaalo caddaalad? Ama intee in le’eg, muddo, hawl, hanti, xoog, cilmi, fulin, hirgelin, iyo in dhidibada loo taago ayay ku qaadanaysaa?

 

Inkasta oo ay arargtida siyaasadu gashay Alif la kor-dhabay, Alif la hoos-dhabay, haddana hoggaan waliba waxa uu xor u yahay inuu  wax ka beddelo intijaaha siyaasadeed, si uu u helo magac dhaxal-gal ah, oo ay taariikhdu xusto.

Cidda hawsha noocana loo igmanayaa maaha af-miishaar, dilaal, qab-qable, iyo danayste, waana nidaam ka duwan qaabkii qofka logu qaadanayay magaca reerka.

Maxamed Xuseen Yuusuf (Adeyse).

 

DEYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

 Cumar D. Cumar

 

Roobabka Aysiidha Ah (Acid Rain)

Roobku waa ilaha ugu muhiimsan ee laga helo biyaha, laakiin sannadahan waxaa soo shaac-baxay nooc roob ah oo leh waxyeelo. Roobkan oo lagu magacaabo (Acid Rain), oo ah roobkii Aysiidha lahaa.

Cilmi-baadhayaasha dunidu waxay soo saareen in sababta keenta roobka Aysiidha leh ay tahay marka ay curiyeyaasha Sulphar iyo  Nitrogen Oxide ay ku kulmaan hawada, waxay sameeyaan isu-taggoodu fudad Aysiidh ah.

 

Fudadka Aysiidha ah ee ku samaysmay hawadu way soo da’aan marka uu roob da’ayo oo dhibicda roobka ayay soo raacaan.

Roobka Aysiidha lehi wuxuu yeelan karaa siyaabo badan oo uu saamayn ugu yeesho degaanka, sida marka uu ku da’o meelaha Haraha ah ama dhijaamaha biyahooda la isticmaalo dad iyo duunyaba oo ay Aysiidhu ku badato markuu roobkani ku da’o.

 

Arrintani waxay ku dhacday oo lagu arkay Harooyin waaweyn oo ku yaala dhulka uu ka da’ay roobkan Aysiidha lihi, sida waqooyiga Ameerika iyo dhulka Skandanifiyanka ee Yurub ku yaala.

Roobka Aysiidha lihi (Acid Rain), waxaa kale oo uu waxyeelo u leeyahay dalagyada la beerto oo haddii uu ku da’o dhulka beeralayda ah ama beeraha wuxuu ku keenaa hoos-u-dhac wax soo saar.

Hoos u dhacani wuxuu ka yimaadaa Aysiidha ku jirta roobka oo waxyeelo u leh dalaga laf-ahaantiisa, iyo Aysiidha oo disha nafaqada ay carradu ka kooban tahay ee caawisa bixidda iyo korriinka dhirta, daaqa iyo dalagyada lagu beero.

 

Roobkani wuxuu kale oo uu waxyeelaa kaymaha, daaraha iyo taalooyinka.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Taxanaha Taariikhda Koobka Adduunka

Q:7aad

Taxanaha taariikheed ee koobka adduunka oo aynu in muddo ah kaga soo hadlaynay sooyaalkii tartanka kubadda cagta adduunka.

Qormadan maanta oo ah tii toddobaad waxaanu ku soo qaadanaynaa tartankii 11aad ee koobka oo lagu qabtay dalka Argentine sannadkii 1978.

Waxay ahayd markii ugu horraysay ee koobka adduunku si guud u soo wada jiitay indhaha caalamka. Tunisia iyo Iran, ayaa tartankaa ku soo biiray waddamada Austria, Brazil, France, Hungary, Italy, Mexico, Holland, Peru, Poland, Scotland, Spain iyo Sweden.

 

Koobkii milateriga oo ay Argentina martigelisay sannadkii 1976, ayaa suurtogal ka dhigtay inay si adag xilkaa u qaadi karto. Hase yeeshee, arrimaha siyaasadda ayaa ahaa qaar kolley saamayntooda leh, werwerkaasi wuxuu keeenay in martigeliyeyaashu si xad-dhaaf ah ugu diyaar-garoobaan dhibaato kasta oo ka hor iman karta.

Argentina waxay si weyn ugu diyaargarowday ciyaartii wareega labaad ee ay la yeelatay waddanka ay kubadda sida weyn isugu hayaan ee Brazil, oo muran qallafsani ka dhashay markii ay afar gool ku muquumisay kulankii Peru.

 

Jarmalka galbeed oo koobka difaacanayay oo uu ka maqnaa Franz Beckenbauer, ayaa ku hadhay wareega koowaad, kadib markii ay ku toosi weyday inay kulan keliya badiso.

Markii la galay wareegyadii dambe ayay soo if-baxday garsoorid jilicsan oo aan wejiyadii hore muuqani, taasina waxay kordhisay khaladaadka ciyaartoygu ku gelayaan garoomada dhexdooda, waxaana ka dhashay shaqaaqooyin hor leh.

Kulankii kamadambaysta, waxaa ka soo if-baxay arrin yaab leh, iyada oo daqiiqad kasta oo ka mid ah 90-kii daqiiqadood ee ciyaartu socotayba hal khalad la gelayay.

 

Tallaabadaasi waxay baqdin gelisay xulka Holland oo marti ku ahaa goobtii ciyaartu ka socotay, hase yeeshee tallaabadaasi waxay calaamatu-su’aal saartay fursaddii martigelinta ciyaaraha ay ka heli lahayd FIFA.

Tartankaa waxaa tirada gool-dhalinta qaaday ciyaaryahanka reer Argentine ee Mario Kempes, oo dhaliyay lix gool, kulankii kamadambaysta ahaana waxaa isugu soo baxay Argentine iyo Holland, wuxuuna ku dhammaaday 3-1 ay Argentina ku badisay. Koobkaasina wuxuu noqday kii ugu horreeyay ee ay Argentina hanatay.

 

Xulka Argentina, waxaa ka mid ahaa; Fillol, Olguln, Galvan, Passarella (kabtan), Tarantini, Adriles, (Larrosa), Gallego, Kampes, Bertoni, Luque, Ortiz (Houseman).

Xulka Holland-na waxaa u ciyaaray; Jongbloed, Krol (kabtan), Poortvliet), Brandts, Jansen, (Suurbier), W. Vande Kerkhof, Neeskens, Haan, Rep (Nanninga), Rensenbrink, R. van de Kerkhof.

 

Spain 1982

Tarankii 12aad ee koobka kubadda cagta adduunka oo sannadkii 1982 lagu qabtay waddanka Isbaanishka, waxaa markii ugu horraysay kooxaha ka qaybgelaya wareega kamadambaysta ah la gaadhsiiyay 24 waddan. Isku-aadkii kooxaha ayaa noqday mid xagal-daacay, waayo Jarmalka galbeed oo 1-0 kaga badiyay Austria, ayaa haddana labada waddanba waxay u soo gudbeen wareega labaad, waxaana halkaa ku hadhay Algeria, oo ka mid ahayd waddamadii tartanka ugu firfircoonaa.

 

Kooxdii Hungary, ayaa iyana 10-1 ku jiidhay El Salvador, halka ay England iyo Brazil mid waliba si fudud ugu soo baxday wejiga labaad, sidaa darteed waxa muuqatay in markale kooxihii awooda badnaa isugu yimaadaan kulamadii dambe.

Weeraryahanka reer Argentine ee Maradona, ayaa dunida inteeda badani filaysay inuu wacdaro ka geysto ciyaaraha dunida, waxaana maqnaanshihiisa ka faa’iidaystay ciyaartoyga Talyaaniga ah ee Paolo Rossi, oo dhulka dhigay Brazil, sidoo kalena wacdaro ka dhigay kulankii wareega kamadambaysta oo ay u jiidheen xulka Poland. Waxayna faynalkii isugu soo baxeen Jarmalka galbeed oo ka niyad-jabay markii ay Faransiiska ka adkaan kari waayeen kulankii simifaynalka oo ay 3-3 ku kala baxeen. Hase yeeshee, uu jarmalku ugu dambayntii rigoorayaal ku soo baxay.

 

Waddamadii kale ee tartanka ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa; Belgium, Cameroon, Chile, Czechoslovakia, Honduras, Kuwait, New Zealand, Northern Ireland, Peru, Scotland, The USSR iyo Yugoslavia.

Paolo Rossi, ayaa gooldhalinta lix gool ku qaaday. Kulankii dhammaadkuna wuxuu ku soo gebogeboobay 3-1 Talyaanigu ku badiyay.

 

Talyaaniga waxaa u saftay; Dino Zoff (kabtan), Bergomi, Cabrini, Collavati, Scirea, Gentile, Oriale, Tardelli, Lonte, Graziani (Altobelli 1 Causio), Rossi.

Xulka Jarmalkana waxaa u saftay; Schumacher, K. Forster, Stielike, B. Forster, Breitner, Dremmler, (Hrubesch), Littbarski, Bruiegel, Fischer, (H. Muller), Rummenigge (kabtan).

 

“Kubadda Cagtu Waa Mid Markasta Wax Cusub Kaa Doonaysa”

Zinedine Zidane

Glasgow (Reuters) – Xiddiga awooda badan ee Faransiiska ah Zinedine Zidane, ayaa ku taamaya in waxa keliya ee xummadu u haysaa yahay kulanka Arbacada ee Hampden oo uu gacanta ku dhigo.

29-jirka Real Madrid, wuxuu ku ciil-qabaa laba goor oo lagaga adkaaday kulamada kamadambaysta intii uu Juventus u ciyaarayay. Guuldarada hore waxay ku timi markii Brussia Dortmund sannadkii 1997, ka kadab-goysay, iyada oo isla sannadkii xigayna ay daaqada ka saartay kooxda uu hadda u ciyaaraa. Sidaa darteed ayay hadda xummadu u haysaa ciyaarta caawa ka dhacaysa Glasgow, oo noqon karta tii ugu dambaysay ee fursaddan oo kale soo marto, guushana wax weyn ka tari karto taariikhdiisa ciyaareed ee mustaqbalka.

Zidane wuxuu qaadan kari la’ yahay sababta uu ugu guulaysan waayay horyaalka Yurub, maadaama uu hore u hantay koobka adduunka iyo ka Yurub labadaba.

 

“Hore laba goor baan ugu guul-darraystay, waana inaanay markale dib u dhicin. Waxaan u ciyaaraa kooxda guusha, ana waan guulaystaa, sidaa awgeed waa inaanu guusha qaadanaa,” ayuu yidhi Zidane.

Ciyaartoyga khadka dhexe, wuxuu qiray inay koox adag yihiin, balse aanay haysan dammaanad cad oo ay ku badin karaan, wuxuuna tusaale u soo qaatay 1997, markii Dortmund kaga adkaatay ciyaartii kamadambaysta ahayd.

 

Isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi; “Waanu ka fursad wacnayn Dortmund, waxaanu ahayn koox fiican oo xiddigyo badani u saftaan, laakiin 3-1 baa nalagu carraabiyay.”

Zidane, wuxuu kale oo sheegay in Leverkusen, koox fudud aanay ahayn, horena ay uga soo badisay Deportivo, Liverpool, iyo Manchester, wuxuuna intaa ku daray in ay koox ahaan ka fiican yihiin Leverkusen.

“Markaan ku guulaystay koobka adduunka, runtii ma jirin hawl ka fiican oo aan noloshayda qabtay, laakiin kubadda cagtu waa mid markasta taagan oo wax cusub kaa doonaysa maalin kasta, waxaanan filayaa inaan waxba I dhaafin haddii aan ku guulaysto tartanka kamadambaysta ah,” ayuu ku daray.

Caawa waxa ciyaartii kamadambaysta ahayd ee horyaalada Yurub wada ciyaaraya kooxda Yurub ugu guulaha badan ee Real Madrid iyo kooxda qaarada u korriinshaha badan ee Bayer Leverkusen, oo aan weligeed ku guulaysan koobkan.

 

Real Madrid waxay raadinaysaa inay markii sagaalaad qaadato kulanka caawa.

Horyaalka dalka waxay ku guulaysatay 28 goor, 17 jeerna waxay qaadatay koobka dalka, laba koobabka Yurub (UEFA Cup) ah, iyo laba koobka kooxaha adduunka ah.

Shan ka mid ah horyaalada Yurub waxay qaadatay sannadihii 1956-60, labada kalena waxay kala qaadatay 1998 iyo 2000.

 

Sahaminta CNN Ee  Kala Sarraynta Kooxaha Dunida

Atlanta (CNN) – Kooxda laba koob ku guulaysatay ee Arsenal ayaa toddobaadkan kaalinta koowaad ka gashay qiimaynta 10-ka kooxood oo ay toddobaadkiiba mar samayso Idaacada la iska arko ee CNN, qaybteeda ciyaaruhu.

 

Arsenal waxay dusha ka martay Real Madrid oo u taagan kulanka Faynalka ee horyaalada Yurub, waxayna tallaabadaa xaqiijisay markay ciyaartii ugu dambaysay 4-3 ku dhirbaaxday Everton.

Halka ay Real Madrid-na ka niyad-jabtay markii ay Deportivo 3-0 candhada u gelisay, sidaana ay kaalinta saddexaad kaga cidhiidhsatay kala horraynta kooxaha ee sannadkan.

Waxa iyana laba derejo kor u kacday Valencia oo kaalinta shanaad hore ugu jirtay. Valencia, waxay ku guulaysatay horyaalka, kulankii ugu dambeeyayna waxay 2-0 ku legeday Real Betis.

 

Bayer Leverkusen oo caawa la ciyaaraysa Real Madrid, ayaa kaalinta afraad cidhiidhsatay.

Kaalinta shanaad waxaa heshay Juventus, kaalinta lixaad iyo toddobaad waxaa galay Corinthians (Brazil) iyo Dortmund (oo Germany ah).